Waxaan dadka Soomaaliyeed, meel kasto oo ay ku sugan yihiin, u rajaynayaa sannad milaadi cusub, 2011, kaas oo aan rajaynayo in uu u keeno nabad, degenaansho, midnimo, nolol, farxad iyo hurumar la sima dadyowga ifkan.
Waxaa beryahan dambe laga dareemayaa magaalo-madaxda Soomaaliya is-beddel yar oo sal adag lahayn, hase yeeshee waxaa lagu han-wayn yahay inuu keeno mid kale oo aad u wayn oo wax-badan ka beddela burburkii dalka lagu hayay muddo 21 sannadood.
Rajada yar ee Muqdisho waxaa sabab u ah sanqarta wax-qabad ka soo yeertay ragga iyo dumarka qurba-joogtada ah oo loo fududeeyay in ay hantaan talada dalka, kuwaasi oo u badan dad wali ku harsan dareen waddanimo, dadnimo iyo islaamnimo. Wax kastoo la sheegaba, dalkani dadkiisu wali way nool yihiin!
Laakiin, waxaa mugdi ku jira baasaboorrada shisheeye ay sitaan iyo xil-qeybsiga qabiilka ku yimid. Waa su’aal u baahan in la is-weydiiyo, sida danta Soomaaliya, danaha dalal kale iyo midda qabiilka daacad loo wada noqon karo. Raggani iyo dumarkani sow marka hore kuma habboona, inta aysan wax xil qaban, inay si cad u celiyaan baasaboorrada shisheeye? Arrinta qabiilka haba iska dambeysee…
Waxaa la oran doonaa in Dastuurka DFKMG ah lagu xusay in jinsiyadda Soomaaliyeed lala heesan karo jinsiyado kala duwan, arrintuna ay tahay mid sharci ah.
Haddaba waxaa iska cad in dowladaha KMG ah aysan ku dhaqaaqi karin wixii beddeli kara, rogi kara ama saameyn kara tiirarka Qaranka, illaa ay dowladdu KMG-nimada ka baxdo, tirakoob kaddibna, afti ummadda Jamhuuriyadda Soomaaliya looga qaado dastuurka la damacsan yahay in dalka lagu dhaqo, lagana qaado 18ka gobollo ee dalku ka kooban yahay.
Waxaana maanta iyo shalayba ka maqlayay idaacadaha in labada mas’uul ugu sarreeyo DFKMG Soomaaliya ku booriyeen dhammeystirka iyo dhaqan-gelinta dastuurka cusub loo sameynayo Soomaaliya. Waa wax lala yaabo in xilligani arrimahaas faraha lala galo, maxaa yeelay dalku haatan wuu kala qoqoban yahay, awoodda DFKMG-kuna ma dhaafsiisna dhowr xaafadood oo ka mid ah magaalo-madaxda, Muqdisho. Waxaan u arkaa dadka ka shaqeynaya hirgelinta dastuurkani cusub kuwo dano gaar ah wato, amaba ka sii daran, dad maankoogu gaaban yahay.
Sannadkan cusub 2011 ee milaadiga ah, walow ay rajadu xoogaa yar fiicanaatay, haddana wuxuu durbaba u keenay ummadda Soomaaliyeed wal-wal iyo jah-wareer, marka la eego arrimaha ku salaysan dastuurkani cusub oo uu taliska DFKMG ka dhex-muujinaya astaamihii Dowladahii KMG ahaa ee ka horreeyay, kuwaas oo lagu bartay dullaanimo, damiir la’aan iyo qandaraas-qaadyo siyaasadeed ama dhaqaale.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in arrinta Muqdisho lagu kala bixi doono bilaha soo socda, iyadoo la saadaalin karin cidda ku gacan-sarreyn doonto, taas oo sabab u ah in meel kasto kala qeybsanaani ka jirto, ha noqdaan xubnaha cusub DFKMG dhexdooda ah, kuwii ka tirsanaan jiray Golihii Wasiiradii hore oo ciil la wareegayo, Golaha Ummadda tirada badan ee doolar doonka ah. Tabtaasna waa Shabaabka halganka hubeysan wada oo u haatan u qeybsamay garabyo kala hadaf ah, sidoo kale hogganka Ciidamada Afrikaanka iyo danta Ugaanda oo kala socda, sicir-bararka ku yimid maamul-goboleeyada iskood isku-magacaabay, danaha dowladaha shisheeye xuduud-wadaagga nahay iyo kuwa fog oo awoodda sheegta.
Waa wax iska cad in kala qeybsanaanta mar-walbo ay horseeddo is-qab-qabsi iyo bur-bur, laakiinse mar-marka qaarkood waxay keentaa fursado lagu meel-gaaro haddii ay jirto midnimo, dalkuna leeyahay dowlad daacad u ah, una adeegta dadkeeda.
Iima muuqdaan in fursadahaas maanta jira looga faa’ideysan doono, marba haddii laga yaabo in DFKMG gabbalka ugu dhici doono waqtigii loogu tala galay xulashadii Jabuuti, waxaana intaas dheer in jagada Madaxweynaha ay si deg-deg ah u bannaanaan doonto 31ka bisha Janaayo, 2011.
Xoogagga hubeysan naftooduna ma hayaan wax awood ah oo ay kula wareegaan talada dalka maadaama ay leeyiihin hadafyo kale duwan, una kale jabeen garabyo is-diidan, sida kuwa qaran-doonka ah oo ku biiray ururka Xisbul-Islaam, lana filayo inuu xoojin doono iyo kuwa jihaad-doonka ah xuduudda lahayn oo hortaagan danaha dadka Soomaaliyeed, afkooda iyo dhaqankooduba.
Gabogabo, sannadkani milaadiga cusub 2011, wuxuu u badan yahay in wax is-beddel ah oo la taaban karo u keeni doonin dalkeenna hooyo, Soomaaliya, marka laga reebo rajada yar ka timid qurba-joogtada buuxiyay DFKMG. Haddaba, fallaartii ay gameen wali cirka ayay ku maqan tahay…waxaana la yiri, “af macaan, gacan macaan baa dhaanta”.
Xasan-Maxamed Saciid “Gacaliye”




Faallada